DHAGEYSO:- Gudoomiye Yabooh ” Si adag ayaa ula Xisaabtameynaa dadka aan bixinta Canshuurta”..

0

Gudoomiye ku Xigeenka dhanka Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo ay wehliyaan Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa ay maanta koormeereen degmooyin ka tirsan gobolka.

Degmoyinka ay koormeereen waxaa ka mid ahaa degmooyinka Xamar Weyne, Waaberi iyo degmada Hodan.

Ujeedka koormeerka ayaa waxaa lagu sheegay sidii Maamulka gobolka Banaadir uu u ogaan lahaa xiriirka ka dhaxeeya shacabka degmooyinka iyo Maamulada degmooyinka.

Sidoo kale ujeedka koormeerka ayaa waxaa lagu sheegay sidii loo xoojin lahaa howlaha ay hayaan Maamulada degmooyinka gobolka.

Gudoomiye ku Xigeenka dhanka Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo warbaahinta la hadlay koormeerka ka dib ayaa sheegay in maamulada degmooyinla loogu baahan yahay in ay sii laba jibaaraan howlaha ay hayaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in lala xisaabtamayo dadka aan bixin Canshuurta ee ku nool Muqdisho.

Sidoo kale Gudoomiye ku Xigeenka dhanka Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa shacabka degmooyinka.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Gudoomiye ku Xigeenka:-