DHAGEYSO:- Howlgallo dad lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay Magaalada Baardheere

0

Inkabadan ilaa 13 qof ayaa maanta ciidamada dowladda Soomaaliya waxa ay ku soo qab qabteen howlgallo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Taliyaha qeybta Boliiska ee saldhiga degmada Baardheere Maxamed Axmed Xasan ayaa Idaacadda Risaala usheegay in dadkan ay u heystaan dilal iyo weeraro qaarkood masuuliyiin ay ku dhinteen oo ka dhacay degmadaasi.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dadkan howlgalka lagu soo qab qabatay baaritaanoi dheeraad ah ay ku sameyn doonaan, iyadoo cidii dambi lagu waayana la sii deyn doono.

Degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo ah degmo Istiraatiiji ah ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro  kala duwan oo inta badan masuuliyadooda loo tiiriyo Al-shabaab.

Sikastaba saraakiisha amaanka degmada Baardheere ayaa sheegay in howlgalladan ay sii socon doonaan ilaa laga sugayo nabad gelyada degmadaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-