DHAGEYSO:- Howlgalo Culus oo laga sameeyay Muqdisho iyo Dowlada oo ka hadashay

0

Wasaarada Amniga ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la baarayo dad lala xiriirinayo iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab kuwaasi oo lagu soo qabtay howlgalo laga sameeyay Muqdisho.

Afhayeenka Wasaarada Amniga gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya C/kaamil Shukri Macalin ayaa sheegay in 3 ruux oo ka mid ahaa ku dhawaad 200 oo dad oo laga soo qabtay howlgal ka dhacay Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in dadkaasi loo gudbiyay Hay’adaha ku shaqada leh in ay baaraan dambiyada ka dibna cadaalada la waafajinayo isla markaana sharciga la horkeeneyo si loo mari cadaalada.

Wasaarada Amniga gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii dambe waday howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka guud ee dalka gaar ahaan Muqdisho, waxaana howlgaladaasi fulinaya oo wada Ciidamada amaanka ee Dowlada sda Booliiska iyo nabad sugida.

Hoos ka Dhageyso Codka:-