DHAGEYSO:- Howlgalo Culus oo weli ka socdo Gobolka Bakool iyo Al-Shabaab oo la baadi goobayo

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay wali howlgal balaaran ka wadaan degmooyin iyo sidoo kale deegaano ka tirsan gobolka Bakool.

Deegaanada uu ka socdo howlgalka ugu balaaran ayaa waxaa la sheegaya in ay hoos yimaadaan degmada Xudur ee xaunta gobolka Bakool.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in uu howlgalku uu shalay bilowday, islamarkaana maalmaha soo socda Al-Shabaab ay ka saari doonaan deegaano hoos yimaada magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa inta badan gobolka Bakool ka sameeya howlgallo ay ku baadi goobayaan dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-