DHAGEYSO KAFTAN IYO HANJABAAD:- Madaxweyne Gaas oo Axmed Madoobe iyo Wiilashiisa ku yiri Labaad iska Gala Koowaad Puntland iyo Banaadir uu ku dhega hadlay

0

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo wareysi Gaar ah siiyay TV-ga Puntland ayaa waxa uu ka hadlay kulanka Berri galab Garoonka kubada cagta Banaadir Stadium ku dhexmari doona xulalka Puntland iyo Jubbaland.

C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay in dareen gooni ah ay uleedahay kooxda Puntland in ay soo gaarto Finalka ciyaaraha Tartanka maamul goboleedyada dalka.

Waxa uu sheegay in uu rajeynayo in koobkan ay ku guuleysato kooxda Puntland, isagoo sidoo kale hambalyo udiray ciyaartoyda Jubbaland maadaama ay soo gaareen Finalka ciyaaraha maamul goboleedyada.

Dhanka kale Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa la xaqiijiyey in ay maanta soo gaari doonaan magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan ciyaarta Finalka Tartanka maamul goboleedyada dalka oo dhexmari doonta Xulalka Puntland iyo Jubbaland.

Maalinta Talaadada ah oo Taariikhda ay ku beegan tahay 26-ka July ayaa la filayaa in finalka Tartanka maamul goboleedyada dalka la soo gaba gabeeyo, waxaana isag hor imaan doona kooxaha Puntland iyo Jubbaland.

HALKAAN KA DHAGEYSO