DHAGEYSO:- Kenya oo adkeynaysa Ammaanka Xuduuda ay la Wadaagto Soomaaliya

0

Dowladda Kenya ayaa sheegay in ay ku raad joogto kooxaha dilalka joogta ah ka geysta xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Waxay dowladda Kenya sheegtay in la adkeen doono xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya si loo ilaaliyo bad qabka muwadiniinta Kenyaanka ah ee ku safraaya xuduudka.

Sarkaal sare oo ka tirsan laamaha ammaanka degmada Mandheera oo la hadlay warbaahinta Kenya ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka go’antahay in ay gacanta ku soo dhigto dableyda weerarta dadka ku safraaya xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sarkaalkaasi ka tirsan dowladda Kenya waxa uu sheegay in xarakada Shabaab ay dhowr jeer weeraro ku qaadeen xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya sidaas darteedna ay dowladda Kenya si gaar ah u adkeyn doonto ammaanka xuduuda.

Inta badan waxa uu sheegay in ay weeraradaasi la kulmaan ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan xuduudka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro dhaba galka ah ku qaaday ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan degmada Mandheera ee dalka .

Hoos ka Dhageyso Codka:-