DHAGEYSO:- Koofur Afrika oo aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliya

0

Dalka Koofur Afrika ayaa aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliya kadib markii sida uu sheegay Danjiraha Soomaaliya ee dalkaasi ay Koofur Afrika ku qanciyeen in ay aqoonsadaan.

Danjire Jamaal Max’ed Barroow,ayaa sheegay in isaga  iyo Dowladda Koofur Afrika ay kala saxiixdeen heshiis sheegaya in Dalkaasi uu aqoonsado baasaboorka Soomaaliya.

Danjire Jamaar ayaa sheegay in tani ay Dad badan oo SOomaaliyeed ka caawin doonto in ay nabad ugu noolaadaan dalkaasi kadib markii ay bateen dhibaatada ay la kulmaan daka Ajanabiga ah ee ay Soomalaida ka mid tahay laguna dhibaateeyo Dalkaasi.

Soomaalida ku nool Koofur Afrika ayaa u badan Ganacsato,waxaana ay had iyo jeer la kulmaan dhibaato isugu jirta dhac hantidooda loo geysto iyo in xitaa la dilo lana boobo maamlkooda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-