DHAGEYSO:- Maamulka gobolka Sh/Hoose oo dalbaday in lagala shaqeeyo amaanka gobolka

0

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca arimaha bulshada ee maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Cumar Cabdulle Carabey ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan kooxihii ka dambeeyay Qarax shalay Gaari BL-ah lagula eegaty deegaanka Lafoole halkaas oo ay ka dhalaty khasaare soo gaaray dad aad ufara badan.

Waxa uu sheegay in baaritaanadaasi ay si wadajir ah uga socdaan deegaanka Lafoole iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose oo dhowr Kiilo Mitir ujira deegaankaasi.

Carabey ayaa sheegay in maamulka Shabeelaha Hoose uusan aqbali karin dhibaato loo geysta dadka shacabka ah ee ku safraya wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Waxaana uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay sugaan amaanka wadada udhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Shalay ayay aheyd markii Gaari BL-ah oo marayay deegaanka Lafoole ay haleeshay Miino dhulka lagu aasay, waxaana Qaraxaasi ka dhashay dhimashada 18 Qof oo shacab ah halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 7 Qof.

Hoos ka Dhageyso Codka:-