DHAGEYSO:- Maamulka Somaliland oo war ka soo saaray gaadiidkii dagaal ee lagu Wareejiyay Dowlada Soomaaliya

0

Maamulka Somaliland ayaa dowladda Masar ku eedeeyay in ay hubaynayso dowladda Soomaaliya ,sidaas darteedna arintaas ay ka xuntahay maamulka Somaliland.

Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga maamulka Soomaliland  Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa dowladda Masar ku eedeeyay in ay hubaysay dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in aysan difaacan karin amniga dalkeeda.

” Horta caalamka maanta waxaad moodaa in ay ka dhamaatay in laysku abaal gudo Somaliland iyo Masar waxaa ka dhaxeeya xiir soo jireen ah” ayuu yiri wasiir Cadami

Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga maamulka Soomaliland  Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa sidoo kale sheegay in hubka Soomaaliya la siiyay in ay sii kordhinayso dhibaatada lagu hayo shacabka Somaliland.

Wasiir Cadami ayaa dowladda Masar ugu abaal sheegtay in Somaliland ay u hiilisay xiliga uu dagaalku kala dhaxeeyay dowladda Isra’iil.

Hoos ka Dhageyso Codka:-