DHAGEYSO: Madasha Wadatashiga Qaran oo bisha soo socota Muqdisho ku shiraya

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxda dowladda Soomaaliya ay ku adkeysanayaan in doorashadu ay ku  dhacdo waqtigii loogu tala galay ,islamarkaana madaxda maamul goboleedyada ay isku imaan doonaan shirka looga hadlaayo arimaha doorashooyinka.

Wasiirka Wasaarada  Warfaafinta  dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa  sheegay in shirkaan uu dhici doono 2-da ilaa 4-ta Bisha August ee fooda inaga soo haysa.

Wasiir Maareeye oo la hadlaayay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in shirkaan ay kasoo qeyb gali doonaan hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in doorashadu ay ku dhaceyso waqtigii loogu talagalay, inkastoo xisbiyada ka jira dalka Soomaaliya ay dhaliil u jeediyeen dowladda Soomaaliya, tasoo ku aadan in dowladdu ay dooneyso in ay waqti kororsi sameyso.