DHAGEYSO:- Madaxweynaha Jubbaland oo war ka soo saaray Guushii Kooxda Jubbaland ay ka gaareen gobolka Banaadir

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa hambalyo u diray kooxda Jubbaland oo u soo gudubtay finaalka tartanka maamul goboleedyada dalka.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in ay heerkaas ay soo gaarto kooxda jubbaland oo shalay guul ka gaartay kooxda Banaadir.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay kooxda Jubbaland in ay ilaaliyaan anshaxa ayna yareeyaan khaladaadka.

Ciyaar ahayd mid la isku daalay ayaa gaba gabadii waxa ay ku soo idlaatay Rigoorayaal 7 iyo 8 oo ay ku soo gudubtay kooxda Jubbaland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-