DHAGEYSO:- Madaxweynaha Soomaaliya oo u Jawaabay hadalkii ka soo baxay Culimada Soomaaliya, si kululna ugu hadlay

0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Eedeynta Hay’ada culimada Soomaaliyeed ay u jeediyeen Xukuumada ee ku aadan sharciga  Siyaasada Haweenka oo ay meel mariyeen golaha Wasiirada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya aysan marnaba ogolaan doonin sharci ka soo horjeeda diinta Islaamka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Culimada Soomaaliyeed loogu baahan yahay in ay marka ay arkaan qalad in ay la soo xiriiraan Hay’adaha Dowlada balse aysan wanaagsaneyn in Warbaahinta ay ka sheegeen.

Waxa uu tilmaamay Madaxweynaha in Dowlada Soomaaliya ay ku dadaaleyso iney qanciso cid walbo oo qalad u fahanta sharciyada dalka.

Shalay ayay ahayd markii Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo Hay’ada culimada Soomaaliyeed ay guddi u saareen sharciga sharciga  Siyaasada Haweenka isla markaana guddigaasi laga sugayo jawaabo dhameystiran oo ku aadan qaladka ay sheegeen culimada Soomaaliyeed inuu ku jiro sharcigaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-