DHAGEYSO:- Madaxweyne C/weli Gaas oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo

0

C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ugu hambalyeeyay guud ahaan umadda Soomaaliyeed  56-sano guuradii ka soo wareegatey xilligii ay gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya xoriyadooda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga 01-Luulyo-1960-kii islamarkaana ay midoobeen gobollada woqooyi iyo gobolada koonfureed ee dalka.

Madaxweyne Gaas ayaa xusay in maalintaasi ay tahay maalin ku weyn umadda Soomaaliyeed maadaama ay tahay maalintii Soomaaliya ay hantisay xoriyadda iyo gobanimada hada ay shacabka Soomaaliyeed ku nool yihiin.

Sidoo kale C/wali Gaas ayaa sheegay in ay muhiim tahay in umadda Soomaaliyeed ay muujiso dadaal xooggan oo lagu soo celinayo Qarannimadii iyo dowladnimadii Soomaaliyeed ee awooda lahayd  oo mar kale la soo noqota sharaftii iyo karaamadii ay ku lahayd Geeska Afrika iyo  guud ahaan caalamka.

Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn umadda Soomaaliyeed Eebbe uga baryey in sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan horumar iyo dowladnimo dhameystiran.

Hoos ka Dhageyso Codka:-