DHAGEYSO:- Madaxweyne Gaas oo shaaca ka qaaday Arin farxad u ah Ciidamada Puntland

0

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Gaas oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka hadlay xaaladaha guud ee deegaanada Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa soo hadal qaaday dagaalka udhaxeeya ciidamada Puntland iyo Soomaaliland, waxaana uu sheegay in ciidamada Puntland ay yihiin kuwo marwalba diyaar u ah difaacada deegaanadooda.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Gaas ayaa shacabka ku nool deegaanada Puntland waxa uu ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidanka Puntland ee dagaalka kula jira maamulka Soomaaliland, isagoo sheegay in ay ugarab ubaahan yihiin ciidamada Puntland si ay ugu guuleystaan Soomaaliland.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Gaas in shacabka ay ciidamada ugarab istaagaan sidii ay udhiiragelinayeen dagaaladii ka dhacay dagaalada ka dhacay deegaanada Puntland oo ay la galeen Shabaab.

Dhowaan waxaa gobollka Sanaag ka dhacay khasaare geystay oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland, waxaana dagaalkaas uu geystay khasaare soo kala gaaray labada dhinac.