DHAGEYSO:- Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo daahfuray shir Muhiim ah

0

Shir dib u eegis loogu samaynayo siyaasada maamul baahinta Puntland ayaa maanta oo Talaado ah lagu qabtay wasaaradda arimaha gudaha, waxaa ka qayb galay madaxwayne ku xigeenka dowlada Puntland , madaxka socotay 7 degmo ee uu ka socdo barnaamijka horumarinta degmooyinka ee JPLG-ga iyo Ha’yadaha qabilsan mashruucan oo ay ugu harayso Ha’yadda UNDP.

Wasiirku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha iyo horumarinta reer miyiga dowlada Puntland Cabdulahi Xaashi (Qoob deero) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay daadejinta iyo baahinta adeegyada asaasiga ah, isagoo bulshada ugu baaqay in laga faa’iidaystay mashruuca horumarinta degmooyinka.
Masuuliyiinka degmooyinka uu barnaamijkan ka socdu ayuu u jeediyey in la dhowro hirgalin mashruucan islamarkaana goobaha loogu talo galay laga fuliyo.

Madaxa Ha’yadda UNDP Puntland oo isna goobta khudbad ka jediyey in mashruucaan uu yahay mid loogu talo galay in mashruucyo hormarineed laga fuliyo deegaanada Puntland, wuxuuna shacabka kula dar daarmay in dowladda iyo Ha’yadda kala shaqeeyaan barnaamijka.
Madaxwayne ku xigeenka dowalda puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay oo shirka daahfuray ayaa dhankiisa usoo jediyey aqoonyahanada iyo madaxda ka doodaysa wixii ka qabsoomay barnaamijka GPLG-ga ayaa u jeediyey in doodooda ay kasoo saaraan sidii mashruucaan oo kusii socan lahaa islamarkaaba ay dowladda iyo shacabkaba la wadagaan wixii ka qabsoomay.
Shirka maanta ka furmay wasaaradda arimaha gudaha Puntland ayaa ah mid looga doodayo wixii ka qabsoomay barnaamijka GPLG-ga ee ka socda 7 degmo oo Puntland ah iyo wixii aan qabsoomin.

HALKAAN KA DHAGEYSO