DHAGEYSO:- Mareykanka oo taageeraya doorashada Soomaaliya

0

Xoghayaha arimaha   dibadda ee  dowladda Mareykanka  Kerry ayaa  sheegay in dowladda Mareykanka ay taageero dheeraad ah siin doonto dowladda Soomaaliya ,si sanadkaan doorashooyinka Soomaaliya ay ugu dhacaan sidii loogu tala galay.

Xoghayaha arimaha   dibadda Mareykanka  dowladda Mareykanka John  Kerry   ayaa intaas ku daray in dowladda Mareykanka ay ka taageerayso Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto sidii loo dhisi lahaa dumuqraaddiyadda iyo sidoo kale hormarka Soomaaliya.

John Kerry  ayaa sidoo kale sheegay in  dowladda Mareykanku ay ku rajo weyn yahay in doorashada sanadkan ay noqoto mid  ku dhacda dimuqraddiyad, ammaan.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladdaha taageera Soomaaliya ,waxaana dowladda Mareykanku ay dhawaan u soo magacowday Soomaaliya safiir cusub.

Hoos ka Dhageyso Codka:-