DHAGEYSO:- Maxaa u Sabab ah Dib u dhaca ku yimid Doorashada Dalka ?

0

Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji Xasan oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka 2016 , gaar ahaan soo xulista xildhibaanada baarlamaanka dowladda Soomaaliya.

Khaliif Maxamed Xaaji Xasan ayaa sheegay in hada xildhibaanada jira Waqtikooda uu ka dhiman yahay oo kaliya muddo ka yar hal bil sidaas darteedna ay muuqato dib u dhac xoogan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la soo xareeyo odayaashii soo xuli lahaa xildhibaanada baarlamaanka dowladda Soomaaliya.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka gaabiyeen in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay , madaam aysan muuqan diyaar garow ku aadan hanaanka doorashada.

HALKAAN KA DHAGEYSO