DHAGEYSO:- Odayaasha iyo Waxgaradka Koofur galbeed oo go’aan ka qaadanaya Siyaasada Cakiran ee Shariif Xasan iyo Shir loogu dhawaaqay Beydhabo

0

Odayaasha Dhaqanka Maamulka Koofur Galbeed ayaa Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan uga digay inuu Faragalinta ka daayo Xildhibaanada la soo xulayo ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 2016.

Kulan ay Odayaasha  Dhaqanka Koofur Galbeed ku yeesheen Magaalada Baydhabo ayey sheegeen in ay arkayaan Faragalin uu Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ku hayo Xildhibaanada la soo Xulayo islamarkaana ay jiraan Ugaasyo iyo Salaadiin ay Madaxda Koofur Galbeed kala hadleen soo xulista Xildhibaanada soo socda.

Odayaasha  ayaa intaa ku daray  in iyaga ay Gacanta ku hayaan Soo Xulista Xildhibaana Soo socda Ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ,waxaana ay intaa ku dareen in Madaxweynaha laga doonayo inuu Faragalinta Joojiyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-