DHAGEYSO:- Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay Kooxaha dilalka ka geysta Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo la hadlay warbahinta ayaa sheegay xukuumada Soomaaliya oo ka Masuul ah shacabkeeda gaar ahaan Hay’adaheeda amniga in ay ku daba jiraan soo qabashada kooxaha dhibaatada ugeysta shacabka Soomaaliyeed.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in kooxahaasi ay taageero aan ku talagal ah ay ka helaan shacabka Soomaaliyeed taas oo keentay in ay sii wadaan kooxahaasi weerarada ka dhanka ah ee shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in isku duubnida shacabka iyo in ay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga ay suuragalin karto in la soo gaba gabeeyo weerarada dadka shacabka ah ay ugeysanayaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Hadalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaare Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii udambeeyay magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen dilal qorsheysan kuwaas oo loo geysanayay Mas’uuliyiinta dowladda iyo dad shacab ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-