DHAGEYSO SHIR JARAA’ID:- Leila Zerrougui oo ka hadashay Caruurta ay Puntland ku qabatay dagaaladii ka dhacay deegaanadeeda iyo go’aano ay ka soo saartay

0

Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta iyo colaadaha Leila Zerrougui oo booqasho lix maalin ku joogtay dalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeeysay iyadoo ka warbixisay meelaha ay booqatey iyo kulam ay la qaadatay madaxda dowladda iyo kuwa maamul goballeedyada.

Ugu horreyn shirka jaraa’id ee Muqdisho ku qabatay oo ayey ku sheegtay in ay booqatay magaalooyinka Cadaado, Garoowe iyo Muqdisho halkaasna ay kula kulantay madaxda dowladda iyo kuwa maamul goballeedyada iyadoo kala hadashay xaaladda carruurta Soomaaliyeed iyo sidda loo daryeelo.

Carruurta Puntland ku qabatay dagaalladii ay la galeen Shabaab

Waxay sheegtay in madaxda Puntland ay kala hadashay carruur lagu qabtay dagaalladii dhexmaray Al-Shababa iyo ciidamada Puntland ee kacay goballada Nugaal iyo Mudug.

Waxay sheegtay in qaar ka mid ah carruurtaas lagu xukumay xukun dil ah isla markaana ay ku jiraan kuwa carruur ah oo aa qaan gaarin.

Waxay sheegtay in maamulka Puntland ay kala hadleen siddii carruurtaas loo badbaadin lahaa oo dib loogu soo celin lahaa bulshadooda si berri ay wax u taraan isla markaana aan ciqaab dil ah lagu xukumin maadama markii horre ay ahaayeen dad deeganka ah oo afduubteen Al-Shabaab.

Waxay sheegtay in carruurtaas ay ku kala xiran yihiin xabsiyo ku yaalla magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso.

Waxay sheegtay maxaabiista Puntland ay qabatay oo ah tiradooda 43 in 12 ka mid ah ay yihiin carruur aan qaangaarin oo waliba lagu xukumay dil toogasho ah.

“Soomaaliya marka aad fiiriso warbixinteena waxaan ku ogaanay in carruurta la jirdilo, la dilo lana qafaasho waayo waxaan heynaa kiisas badan oo arrimahaas la xiriira” ayey tiri Ms. Leila Zerrougui.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa’id:-