DHAGEYSO SIR BANAANKA LA KEENAY:- Xasan Sheekh,Jawaari,Sharma arke waa Musharixiin, Siyaasiyiinta Maxaa u qorsheysan ?

0

Soomaaliya ayaa haadaan iyo buur dheer inay kusii dhaceyso la odorasayaa hadii aan laga qaban xilligaan oo doorashada hogaaminta dalka ay waqtigeedu wax yar ka dhiman yihiin.

Dawlada Federaalka Soomaaliya ee waqtigeedu dhamaadka yahay waxa la sheeegay inay mar kale dooneyso si awood ku jirto xukunka ay uqabato taasi oo siyaasiyiintuna ay ka biyo diidsan yihiin badankood.

Axmed Macalin Fiqi oo aad udhaliilsan siyaasada afartii sano ee dalka soo hayey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay Mudaaharaad dalka lagu xoreenayo.

Waxa uu Siyaasiga Axmed Fiqi sheegay in Soomaalida looga baahan yahay Awoodii Shacabka Turkiga soo bandhigeen oo kale bartamihii Bishaan ay iyaguna lasoo baxaan si dalka qaab darada loo horseedayo looga leexiyo.

Siyaasiyiinta waxay sheegeen in seddexda Mas’uul ee hadda dalka ugu sareysa waa:

Madaxweyne Xasan Sheekh,R/wasaaraha Cumar C/rashiid Sharma’arke iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ay intuba yihiin murashaxiin xilka doonaya inay kusoo laabtaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO