DHAGEYSO:- Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo Digniin u diray Ciidanka iyo Saraakiisha aan gudan Waajibaadkooda

0

Taliyaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed {Buud} ayaa Digniin u diray Saraakiisha iyo Ciidamada ka tirsan Milatariga Soomaaliya islamarkaana ku Kaca Musuq Maasuqa oo aan gudan Waajibaadkii loo Igmaday.

Maxamed Aadan Axmed Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in Talaabo laga qaadayo Ciidamadaasi oo Taliska Milatariga uusan indhaha ka qarsan doonin.

Sareeyo Gaas Buud ayaa hadalkaan ka sheegay kulan dhex maray dhamaan Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida oo looga Arrinsanayay markii ay baxaan Ciidamada AMISOM Sidii Ciidamada Qaranka Soomaaliya ay u badali lahaayeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-