DHAGEYSO: Turkiga oo beeniyay inay aqoonsadeen Baasaboorka Somaliland

0

Olgan Bekar oo ah  Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Magaalada Muqdisho oo maanta Saxaafadda kula hadlay Xarunta Safaarada ayaa ka hadlay war dhawaan kasoo yeeray maamulka Somaliland , kasoo ahaa in maamulka Somaliland baasaboorkooda ay aqoonsatay dowladda Turkiga.

Safiirka ayaa beeniyay in ay aqoonsadeen baasaboorka maamulka Somaliland , waxuuna sheegay in baasaboorka Soomaaliya oo kaliya ay aqoonsantahay dowladda Turkiga.

Safiirka ayaa sheegay in baasaboorka Somaliland uu yahay  ID loogu tala galay in lagu joogo gudaha maamulka Somaliland.

Dhanka kale Olgan Bekar ayaa sheegay in shaqaalihii Hay’adda Nile Academy  ay iska baxeen Soomaaliya ,ka dib amar kasoo baxay dowladda Turkiga  ,islamarkaana dowladda Turkiga ay diyaar u tahay in bisha soo socota  ay dib u bilowdo shaqadii uu bulshada Soomaaliyeed u qaban jiray isbitaalka Deva ee Muqdisho.