DHAGEYSO: Turkiga oo sheegay in dib loo bilaabayo howlihii Isbitaalka Deva

0

Olgan Bekar oo ah  Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Magaalada Muqdisho oo maanta Saxaafadda kula hadlay Xarunta Safaarada ayaa sheegay in dib loo bilaabayo shaqada Isbitaalka Deva.

Olgan Bekar ayaa sheegay in shaqaalihii Hay’adda Nile Academy  ay iska baxeen Soomaaliya ,ka dib amar kasoo baxay dowladda Turkiga  ,islamarkaana dowladda Turkiga ay diyaar u tahay in bisha soo socota  ay dib u bilowdo shaqadii uu bulshada Soomaaliyeed u qaban jiray isbitaalka Deva ee Muqdisho.

Safiirka ayaa sheegay in Turkiga iyo  dowladda Soomaaliya ay ka wada shaqeynayaan  sidii howlahaasi ay u sii socon lahaayeen, gaar ahaan Isbitaaladii iyo Iskuuladii ay gacanta ku heysay  Hay’adda Nile Acedemay ee dalka Turkiga.

Waxa uu hoosta ka xariiqay ina aysan hakad geli doonin shaqadii ay dowladda Turkiga u heysay bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiga  ayaa  Hay’ada Nile Academy ku eedeeysay in uu leeyahay wadaadka lagu eedeeyay Afgambigii fashilmay ee dalka Turkiga.

Dhanka kale safiirka ayaa beeniyay in ay aqoonsadeen baasaboorka maamulka Somaliland oo dhawaan maamulka Somaliland ay sheegeen in baasaboorkooda ay aqoonsatay dowladda Turkiga.