DHAGEYSO:- Ururka NUSOJ oo soo dhaweeyay go’aan ka soo baxay Maxkamada Sare ee Dalka

0

Xoghayaha Guud ee ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maxkamadda Sare ee dalka ay ka heleen warqad muujineysa in ay aqoonsan yihiin ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Xoghayaha Guud ee Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sidoo kale sheegay in warqada Maxkamadda Sare ka soo baxday ay ka muuqatay sidii ay udhacday Doorashadii Hogaanka ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Macalimuu ayaa Hay’adaha dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ maadaama uu sheegay in Maxkamadda Sare ee dalka ay ka heleen warqad muujineysa in ay aqoonsan yihiin ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa sheegay in Hay’adaha dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada looga baahn yahay in ay la shaqeeyaan Suxufiyiinta si ay uhelaan xuquuqdooda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-