DHAGEYSO: Warbixin ku saabsan Doorashada sanadkan la fialyo in Soomaaliya ay ka dhacdo

0

Waxaa la joogaa xiliigii loogu tala galay in ay socdaan howlaha Doorashooyinka sanadkan la filayo in ay dalka ka dhacaan, sidoo waqti yar ayaa ka harsan nin xubnaha Baarlamaanka la soo dhiso kuwaas oo bedelay Baarlamaanka hada jira.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeynaya in ay aad uga gaabiso howlaha Doorashada, Hayeeshee Wasiirka War faafinta dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlayay TV-ga Universal ayaa waxa uu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in sanadkan Doorasho ay dhacdo.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo horey usoo noqday Gudoomiyaha gobolka Banaadir sidoo kalena ahaa Duqa Muqdisho ayaa madaxda dowladda ku eedeeyay in ay doonayaan in ay waqtiga kororsadaan taasina ay cadeyneyso sida hada ay wax ku socdaan.

Markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kale la soo dhisay dowladda hada jirta ayaa waxaa loo balamay in marka la gaaro sanada 2016-ka in ay dhacdo Doorasho Qof iyo cod ah, Hayeeshee Wasiirka War faafinta dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in xilligaasba uu aamnisanaa in aysan dhici karin Doorasho Qof iyo cod ah.

Dowladda ayaa horey usheegtay in aan la gaari karin Doorasho qof iyo cod ah, waxaana sidoo kale dowladdu ay sheegtay inaan la qaban doorasho dadban taasoo weli dadka siyaasada la socda ay sheegayaan in howlaha doorashada ay si gaabis ah ku socdaan.