DHAGEYSO WARBIXIN XASAASI AH: Maxaa ku qasbay inuu is-qarxiyo Xildhibaan hore Saalax Badbaado ?

0

Sida uu sheegtay ururka Al-Shabaab, Saalax Nuux Ismaaciil oo loo yaqaanay Saalax Badbaado, oo horey uga tirsanaa xubnihii Baarlamanka ee dowladdii ku meel gaarka aheyd ayaa ka mid ahaa labaddii qof ee fuliyay labadii weerar ee ismiidaaminta ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Weeraradaasi oo ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 13 qof.
Inkastoo aysan dowladda Soomaaliya si rasmi ah uga hadlin arrintan ayaa waxaa arrintan ay aad uga fajicisay dad badan, waxaana la isweydiinayaa, waxa xildhibaan hore oo haddana da’adiisu ay ka badneyd 53 sano ku kalifi kara in weerar noocaasi ah uu fuliyo.

Wariye Seynab Abukar Maxamed oo ka tirsan VOA ayaa arrintan wax ka weydiisay qaar ka mid ah xildhibaanadii dowladdii KMG aheyd ee ay soo wada shaqeeyeen Saalax Badbaado.

HALKAAN KA DHAGEYSO