DHAGEYSO WARBIXIN XASAASI AH: Siyaasiyiin sheegay in Dowladda ay hor istaagtay Ololaha Doorashada

0

Iyadoo lagu guda jiro Waqtiga kala guurka ah ayaa waxaa soo ifbaxaya rajo xumo ay ka muujinayaan qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Axsaabta Siyaasadeed ee dalka oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho hanaanka lagu soo dhisayo dowladda soo socota ee bedeleysa tan haatan dalka majaraha u heyso oo uu hormuudka ka yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Daljir ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ay howsheeda isku bedeshay in Nabadoono been abuur ah aan matalin Beelaha Soomaaliyeed ay kaarar aqoonsi siiso , isagoo shaaca ka qaaday in doorasho qof iyo codkii ah dowladda hadda ay diiday , dhaqankii rasmiga ahaana ay ku kalsoonaan weyday, taasina ay cadeyneyso in la doonayo in la Musuqmaasuqo doorashada Madaxtinimo ee dhawaan dalka in ay ka dhacdo dalka la filayo sida uu hadalka.

Sidoo kale Axmed Macallin Fiqi ayaa cod dheer ku sheegay in iyadoo lagu guda jiro waqtigii loogu tala galay Ololaha Doorashada ay dowladdu bilowday Caburin islamarkaana ay si toos ah isku hortaagtay kulan Odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee Xushmad loo wada hayay ku lahaayeen Muqdisho, Boorar aan la dhegsan Karin weliba aan Gawaarida Cod baahiyayaal lagu xiran Karin taas oo uu ku micneyay in  dalka dhibaatadii uu ka soo kabsaday loo celinayo.

Dhinaciisa Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Madaxda ugu sareysa dowladda hadda talada heysa ay yihiin Musharraxiin ayna doonayaan in banaan cad ay ka helaan Kursiga Madaxtinimo iyagoo aan tartan galin isagoona carabka ku adkeeyay in dowladda uu majaraha u hayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aysan  waxba qaban 4-tii sano ee ay talada dalka ku taameysay.

Waxaana sida uu sheegay ay ku soo kordhisay dalka Baahi, Macluul iyo Dhiig bax waxaana sida uu qabo cel celis ahaan maalinkii dhinta 100 qof oo Soomaaliyeed dalka oo dhan.

Dhinacale kale Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Madasha Hoggaamiyayaasha Qaran la filayo in mar kale ay kulmaan iyagoo doonaya in ay baabi’iyaan rajada kaliya ee shacabku lahaa ee doorashada Dadban oo  1-kii Xildhibaan ay soo doraneyso 50 qof ugu yaraan taas bedelkeedana ay soo celin  rabaan qaabkii hore ee 135-ta Oday in ay soo xulaan Xildhibaanada ku aadan.

Waxaana uu ku tilmaamay u jeedada ay tallaabadaas u qaadayaan sidii ay ugu Indha sarcaadin lahaayeen Lacago fara badan oo ay la ciir ciirayaan sariirahooda hoostooda oo sida uu sheegay  4-tii sano ee dalka ay hoggaanka u hayeen aruursanayeen maadaama wax kale aysan qaban sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Macallin Fiqi ayaa mar kale ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in Cashir ay ka bartaan tallaabadii ay qaadeen shacabka Turkey , isagoo tibaaxay in haddii dowladda dalka hoggaamineysa ay fashilantay shacabka loo diidan yahay in ay ka tashadaan tallaabada xigta ay qaadanayaan sidaas daraadeed loo baahan yahay shacab isku duuban oo aayahooda ka tashada.

Ugu dambeyn Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa ku soo gunaaday  hadalkiisa in Madaxda hadda  dalka hoggaamisa haddii aan la iska qaban aan loo noolaan doonin sida uu yiri.

Hadalka Siyaasiyiintaas Soomaaliyeed ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaalida oo dhan ay ka wada dhur  sugayaan Isbedelada la filayo in dalka ay ka dhacayaan eek u aadan dowladda bedeleysa midda hadda ka arrimisa dalka oo la sheego in waxyaabo badan ay ku fashilantay sida dhaqaalaha , Amniga .

Waxaana dhaqaalo xumida iyo shaqo la’aanta dalka ragaadisay ay sababtay in dhalinyaradii wax ka bartay Jaamcadaha dalka dibaddiisa sida Masar iyo Sudan meeshii ay aqoontooda ugu shaqeyn lahaayeen quusta ay ka qabeen dalkooda ay dalalkii ay wax ka barteen horay uga sii tahriibeen kuna le’deen Badaha Caalamka.

Intii ay jireen Dowladihii KMG ayaa badi dhalinyarada Tahriibi jirtay waxa ay ahaayeen kuwa aan waaxbarashada heerka sare gaarin sida Jaamacadaha.

HALKAAN KA DHAGEYSO WARBIXINTA