DHAGEYSO WARBIXIN XASAASI AH:- Walaac laga muujiyay Doorashooyinka 2016-ka

0

Bisha soo socota ee Augst waxaa ku ek waqtiga Baarlamaanka Soomaaliya ee hada jira sidoo kale waxaa Bisha 10-ka September ku ek waqtiga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa jira in Madasha Wadatashiga Qaran ay shirkii ugu dambeeyey ee ka dhaca Beydhabo ay ku dejisay Jadwal lagu gaarayo hanaanka Doorashada dadban ee la filayo in sanadkan ay dalka ka dhacdo.

Siyaasiyiinta qaar ee damaca uu kaga jiro Doorashada soo socota ayaa qaba wal wal ku aadan in Doorashada aysan waqtigeeda ku dhici karin, maadaama sida ay sheegeen aanay muuqan saan saan ay ku dhici karto Doorashada.

Siyaasiga Maxamuud Axmed Nuur Tarsan musharixiinta utaagan xilka Madaxtinimo Doorashada sanadkan la filayo in ay dalka ka dhacdo oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya waqtiga badan ee u haray in ay wax badan ku qaban karto hase ahaatee ay ka caga jiideyso.

Tarsan ayaan wax ka weydiinay sababaha in dowladda Soomaaliya ay uga caga jiideyso in Doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay warqad la sheegay in ay ka soo baxday Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya taas oolagu farayay milkiilayaasha Hotelada in Hoteladoda aan lagu qaban karin kulan aysan ogeyn Wasaaradda Amniga, waxaana la sheegay in lagu sugayo amniga Muqdisho.

Tarsan ayaa sheegay in amarkaasi lagu dhabar jebinayo kulamada siyaasadeed ee looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya dad gaar ahna ay doonayaan in ay sii heystaan awooda dalka.

Sikastaba waxaa waqti kooban ka haray Doorashada la filayo in ay sanadkan ka dhacdo dalka, Baarlamaanka Soomaaliya go’aan uu horey usoo saaray ayaa waxa uu ku sheegay in inta laga helayo Baarlamaan bedela midka hada jira in uu sii shaqeynayo Baarlamaankan.

HALKAAN KA DHAGEYSO