DHAGEYSO WARBIXIN XIISO BADAN:- Dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee ka dhacay Tartankii Maamul Goboleedyada

0

15-kii Bishan July ayay aheyd markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka, iyadoo furitaanka Tartankaas ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, xiriirka kubada cagta Soomaaliya iyo xubno kale.

Tartanka maamul goboleedyada dalka ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Gobolka Banaadir iyo Hiiraan Shabeelaha Dhexe oo isku dar ah.

Tartankan ayaa loo sameeyay ilaa iyo Labo Group waxaana ay kala ahaayeen Groupka A iyo Groupka B.

Groupka A ee Tartankan ayaa waxaa ka ku jiray kooxaha Banaadir, Puntland iyo Koonfur Galbeed Halka Groupka B ay ku wada jireen Jubbaland Galmudug iyo Hiiraan Shabelaha Dhexe.

Dhexbartamihii Tartankan ayaa mar waxaa la hadal hayey in Guud ahaan tartanka ay isaga baxeen kooxdii ku ciyaareysay Hiiraan Shabeelaha Dhexe, maadaama sida la sheegay ay waayeen meel ay ku hoydaan, iyo cuntadii ay cuni lahaayeen balse arintaasi waxaa beeniyay Gudoomiyaha ciyaaraha gobolka Banaadir oo sheegay in arimo yar yar ay iska jireen oo sidii la rabay ay wax walbo ku soo laabten.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Soomaaliya Mudane Nuux oo intii ay ciyaarahan socdeen Garoonka Banadir si aad uga dhex muuqday ayaa ka hadlay Tartanka iyo sidoo kale martagelinta maamulka gobolka Banaadir ee Tartankan.

Waxyaabihii Tartankan laga bartay ayaa ah kuwo fara badan oo ay ka mid yihiin in Garoonka si aad loo soo buux dhaafiyo daawashada ciyaaraha awgeed iyo in Taageeraysha qaar ay qeyb ka mid ah jirkooda ku soo buufsadaan Calamada kooxohooda.

Tartanka kubada cagta ee maamul goboleedyada dalka ayaa marka laga soo tago dhanka kubad ciyaarista ayaa dadka qaar waxa ay ku macneeyeen in uu ku lifaaqeysnaa dhanka siyaasada oo dadka qaar ee tartanka ka qeyb galayay ay taageeradooda ku muujinayeen gobolada ay ka soo jeedaan,

Shalay Ciyaartooyda Puntland ayaa ku guulaystay tartankii ciyaaraha dowlad gobaleedyada ee ka socday magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, kadib markii Rigooreyaal 5 iyo 3 ay kaga adkaatay kooxda Jubbaland.

Daawashada Ciyaartan ayaa waxaa ka qayb galay, Madaxweynaha JFS Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, R/wasaaraha Dalka Cumar C.rashiid, Wasiiro, Xildhibaano, Mas’uuliyiin, Marti Sharaf iyo Kummanaan dad wayne ah oo aad u xiisaynayay daawashada ciyaartaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ciyaartoyda Puntland gudoonsiiyay Koobka Tartanka dowlad gobaleedyada Soomaaliya ayaa sheegay in tallabadan ay ka tarjumeyso nabadda iyo horumarka uu dalku ku sii tallaabsanyo, wuxuuna hambalyo u diray dhammaan kooxihii ciyaartooyda ee ka qayb galayay koobka u hanbalyeeyay, isagoo ku Ammaanay tartanka iyo ciyaaraha wanaagsan ee ay soo bandhigeen.

Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa balan qaaday in kor loo qaadi doono Tayada kubada cagta ee Puntland, sidoo kalena ay guushaan muujinayso in Puntland dhinac kasta ka tahay maamul dhameystiran.

Qaar ka mid Taageerayaashii usacba tumayay kooxda Puntland kadib markii la gudoonsiiyay koobka ayay sidan ku dhawaaqayay.

Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay Magaalooyinka waa weyn ee Puntland muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin guushan Taariikhiga ah, waxayna sheegeen in horey Koobkan looga qaaday Garoowe, haddana dib loogu soo celiyey Puntland

Ugu dambeyntiina Magaalooyinka waa weyn ee Puntland ayaa hada waxaa ka socota qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta ciyaartoyda Puntland oo ku guuleysatay Tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada.

Waxaa diyaariyay Abdirashiid Ali Dubad oo ka Tirsan Idaacada Risaala oo ka mid ah Idaacada ugu afka dheer Muqdisho