DHAGEYSO WAREYSI:- Maamulka Gobolka Banaadir oo Xaqiijiyay in 9-Ka ka mid ah Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobe ay geeriyoodeen

0

Ugu yaraan 13-ruux oo dad shacab ah iyo Askar ayaa ku geeriyootay Labo qarax oo loo adeegsaday gawaari, kuwaa soo ka dhacay meel ku dhow Irida Ciidamada AMISOM ay ka galaan Garoonka Aadan Cadde ee Madina Gate.

Labada gaari ayaa la sheegay in ay ku qarxeen afaafta hore ee dhismo ay degan yihiin Hay’ado hoos yimaada Qaramada Midoobe.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in Qaraxyada la la doonaayay xarunta ciidanka AMISOM ee Xalane ,laakiin ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay fashiliyeen.

Afhayeenka ayaa sheegay in 13 qof ay dhinteen 5 kalena uu dhaawac soo gaaray .

Ciidamo Soomaali ah oo Ilaalo u ahaa Xubno UN-ka ka tirsan iyo ciidamo ka tirsan Nabad Suggida iyo Dad shacab ah ayaa ku geeriyooday Qaraxaasi, kuwaasi oo ku dhintay Qaraxa ka dhacay Agagaarka Irida Ciidamada AMISOM ay ka galaan Garoonka ee Madiina Gate.

HALKAAN KA DHAGEYSO