DHAGEYSO WAREYSI:- Madaafiic Xalay lagu Garaacay Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Beydhabo

0

Tiro Madaafiic ah ayaa Xalay lagu Garaacay Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG ah u ah Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed Ee Koofur Galbeed.

Madaafiicda ayaa ku dhacay Xaafado ka mid ah Baydhabo oo ay ka mid yihiin Madaxtooyada Koofur Galbeed iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo.

Inta la og yahay 2 Qof oo rayid ah oo mid kamid ah uu yahay Ilmo yar ayaa ku dhintay Madaafiicda,waxaana ku dhaawacmay ilaa 7 kale.

Ciidamada Maamulka Koofur galbeed ayaa Saaka Baaritaano ka wada Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-