DHAGEYSO WAREYSI XASAASI AH:- Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa Jubbaland oo lagu eedeeyay Musuq maasuq

0

Gudoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule Xasan oo la hadlay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Jubbaland ay masuq maasuqeen raashiinkii gargaar ee loogu tala galay gobolka Gedo.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in suuqyada magaalada Kismaayo lagu iibsanayo raashiinkii gargaar ee Wasaarada Arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka ay ugu tala gashay shacabka gobolka Gedo.

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay Wasaarada Arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabato arrintaan islamarkaana ay la xisaabtanto masuuliyiinta maamulka Jubbaland sida uu sheegay Gudoomiyaha Gedo.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland oo aan khadka telefoonka kula xiriirnay si aan wax ugu weydiino eedeymaha loo jeedinayo ayaanan inoo suurta gelin inan khadka ku helno.

Dhawaan ayay ahayd markii Wasaarada Arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilowday qeybinta markabkii gargaar ee ka yimid Dowladda Turkiga.

HALKAAN KA DHAGEYSO