DHAGEYSO:- Wasiir Nuux oo ku baaqay in la dhiira geliyo Ciyaartooyda, kuna dhawaaqay Magaalada lagu qabanayo Cayaaraha sanadka dambe

0

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Xasan Nuux ayaa sheegay in la joogteyn doono qabashada tartanka Cayaaraha ee Maamul goboleedyada dalka.

Waxa uu sheegay in sanadle uu noqon doono tartanka isla markaana laga doonayo in tartanka laga dhigo mid isdhexgal.

Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in laga faa’iideysto Ciyaartooyda wanaagsan ee ka dhex muuqday tartanka mudadii uu socday.

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Xasan Nuux ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la dhiira geliyo dhalinyaradii ka qeyb gashay tartanka oo aan la ilaabin.

Hoos ka Dhageyso Codka:-