DHAGEYSO:- Wasiir Odawaa “ Sidii loogu tala galay ayaan ku wadnaa raashiinkii gargaar, mana jiro wax masuq maasuq ah”..

0

Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in ay been abuur tahay wararka sheegaya in la masuq maasuqay raashiinkii gargaar ee ka yimid dowladda Turkiga.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay in qeybinta raashiinkaasi uu u socdo sidii loogu tala galay isla markaana aysan jirin cid sameysay masuq maasuq.

Waxa uu tilmaamay in guddi ay maamulayaan qeybinta raashiinka lana doonayo in si siman ay u wada gaaraan shacabka ku nool gobolada Dalka.

Waxa uu xusay in ay muhiim tahay in la hubo wararka laga sheegayo Warbaahinta iyo Eedeymo uu sheegay ineysan waxbo ka jirin oo loo jeediyay Wasaarada Arrimaha gudaha.

Dhawaan ayay ahayd markii Maamulka gobolka Gedo iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed ay sheegeen in la masuq maasuqay qeybinta raashiinkaasi, isla markaana ay qeybsanaya dad dana gaar ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-