DHAGEYSO:- Wasiirada Haweenka oo ka hadashay Sharciga muranka badan dhaliyay ee Siyaasada Haweenka

0

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sahro Cali Samatar ayaa sharaxaad ka bixisay erayga Gender halka uu naga soo galay iyo macnihiisa.

Warbaahinta ayaa weydiisay Wasiir Sahra Maxamed qodobada la sheegay in ay ka horimanaayaan Shareecada Islaamka sida Dadka isku jinsiga ah ee is-guursanaya iyo waxyaabaha kala buuqa badan ka dhex dhaliyay Bulshada Islaamka ee Soomaaliyeed.

Bishii May ee Sanadkan ayey Wasiirada Soomaaliya meelmariyeen Sharciga Siyaasada qaran ee Jinsiga iyadoo dhawaan Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ay shaaciyeen in sharcigaasi la ansixiyay ay ku jiraan qodobo ka horimaanayaa shareecada Islaamka, taasi oo ay soo diyaarisay Wasaarada Haweenka.

Ugu dambeyn, Culimada Soomaaliyeed ayaa mowqifkooda badalay markii looga yeeray Kulankii khamiista ee Golaha Wasiirada ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirada:-