DHAGEYSO XASAASI:- Madaweyne Shariif Xasan oo Arin Xasaasi ah ka dhawaajiyay

0

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Hay’adaha Garsoorka maamulka Koonfur Galbeed looga baahan yahay in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay in kalsooni badan uu ku qabo in Hay’adaha Garsoorka ay si cadaalad ah ugu adeegaan bulshada, gaar ahaa waxa uu amaanay Gudoomiyaha Maxkmada Sare ee maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu mar walba ku dadaalayo sidii Qof walba uu uheli lahaa cadaalad sax oo cidna aan laga xigsan doonin.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay wadaan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Hay’adaha Garsoorka Koonfur Galbeed.

HALKAAN KA DHAGEYSO