DHAGEYSO XASAASI:- Somaliland iyo Puntland oo hadallo kulul Warbaahinta isku mariyay

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Somaliland Saxardiid Caddaani oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in Maamulka Somaliland uu Heshiis la gaaray Odayaal ka soo jeeda Degaanada Puntland islamarkaana wada-hadaladu ay ka dhaceen Qeybo ka mid ah Gobolka Sanaag.

Wasiir Saxardiid ayaa intaa ku daray in Odayaasha ay la kulmeen iyo Mas’uuliyiinta Somaliland intuba ay isla qaateen in laga wada shaqeeyo Nabad Galyada Gobolka islamarkaana la ilaaliyo Daris wanaaga iyo wada noolaanshaha.

Dhanka kale waxaa Warkaasi been abuur ku tilmaamay Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde oo sheegay in aysan jirin wax wada hadallo ah oo ka dhacay Gobolka Sanaag oo ay Og tahay Puntland.

HALKAAN KA DHAGEYSO