DHAGEYSO XASAASI:- Tarsan oo Farta ku fiiqay Halka Soomaali ka dagi la’dahay

0

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo Wareysi siiyay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in Dalka uusan ka fashilmin,Madaxtooyada ama xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ,hase yeeshee ay Dowladda Soomaaliya ka fashilantay Baarlamaanka.

Xubnaha Baarlamaanka ayuu ku eedeeyay in Awooddoodii ay dayaceen islamarkaana ay ka tana suleen xilkii ay u dhiibatay Umadda Soomaaliyeed.

Dadkooban ayuu sheegay in ay la wareegeen talada Dalka,gaar ahaan tii Baarlamaanka oo ay qabsadeen dad tiro kooban oo la baxay Madasha sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaannada ka tana sulay Awooddooda ayuu ku dhaliilay in ay doonayaan in ay ku soo laabtaan Baarlamaanka iyaga oo aan u mareynin beeshooda ama kal soonida Shacabka ee ay u marayaan rabitaanka shaqsi u suuragelin kara in ay soo laabtaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO