DHAGEYSO XASAASI:- Xildhibaan sheegay in Baarlamaanka uu u xureysan yahay Gudoomiye Jawaari

0

Mudo Ka Badan Bil waxaan Jirin wax Kulamo ah oo ay leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kadib Fasxiii ay Galeen Baarlamaanka Bilowgii Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan.

Fasaxa ayaa ku koobnaa oo kaliya inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan balse hada ayaad mooda in Fasixii Baarlamaanka dheeraaday,Mustaqbal ma heyso Sababata Saxda ah ee Xildhibaanadu uleheyn Kulamadoodii Maadaama Xiligu Gabaabsi yahay Dalkana Ka Dhacayaan Doorashooyin.

Xildhibaanada qaar ee Baarlamaanka ayaa dhankooda heyn sababta uu uxiranyahay Kulamadii Baarlamaanka,waxa kaliya ay hayaana tahay in Gudoonka laga sugayo inuu iclamaiyo xiliga ay tahay inuu Furmo Baarlamaanka.

Maxamed Cumar Dhalxa waa Gudoomiye Kuxigeenka Gudiga Arimaha dibeda ee Baarlamaanka wareysi uu siiyay Mustaqbal ayuu Masuuliyada Baaqashada Kulamadii Baarlamaanka Dusha kaga Tuuray Gudoonka Sare ee Golaha Shacabka.

Xildhibaan Dhalxa oo sii Hadlaya ayaa dhinaca kale ka hadlay Suurta galnimada doorashada dalka ay ku dhacdo xiligeeda isagoona quus ka muujiyay arinkaa.

HALKAAN KA DHAGEYSO