DHAGEYSO:- Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo ka hadlay doorashooyinka sanadkaan ka dhacaya Soomaaliya

0

Wasiirkii hore ee Wasaarada Dastuurka Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa dalka Koofur Afrika kula kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi waxa uuna ugu warbixiyay xaalada guud ee Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale kala hadlay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Koofur Afrika doorashooyinka la filayo in sanadkaan ay ka dhacaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu kala hadlay sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo hormarinta Dalka.

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa sidoo kale sheegay in Soomaalida loogu baahan yahay in ay ka shaqeeyaan hormarka dalka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-