DHAGEYSO+AQRISO:- Hadal uu laba sano ka hor sheegay General Dhega-badan oo rumoobay

0

Allaha u naxariistee Abaan Duulihii hore Ciidanka Xoogga Dalka, General C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan), ayaa waxaa uu laba sano ka hor sheegay inaanay Shabaabku kala jecleen dadka Somaliyeed, isla-markaana ay u dilayan si aan kala sooc lahayn.

Qarax miino oo Shabaabku ay ku aaseen Deegaanka Lafoole, ayaa waxaa uu Khamiistii la kacay gaari BL ahaa oo rakaab ka soo qaaday Magaalada Muqdisho, una waday Degmada Afgooye, waxaana ku dhimatay 18 qof oo rayid ah. Dadka ku dhintay qaraxan waxaa ku jira hooyo, aabe iyo laba carruur ah oo ay dhaleen.

General C/kariin Yuusuf Aadan oo arxandarada Shabaabka ka hadlaayay, ayaa yiri “Anigu waxaan qabaa inaysan haween, mid uur leh, mid masaakiina, mid odaya, mid culima’a, mid dembi galay, mid aan dembi gelin aysan raadinayn, ay raadinayaan qof baan dilnay. Waa ganacsi ah wax ah, oo qof baan dilnay ah.”

“Dadka Dowladda iyo Ciidamada u shaqaynaya ha dileen ee la dagaalamaaya, ee xaasaska iyo carruurta inay ku soo noqdaan. Ujeedadoodu maaha inay dagaal iyo ummad Somaliyeed rabaan. Ujeedadoodu waxaa weeye qandaraaskii ay wateen intaasaa maanta soo dilnay.” Ayuu yiri General Dhega-badan oo xilligaa ku sugnaa Magaalada Kampala ee Xarunta Uganda.

Waxaa uu intaa ku daray “Maaha dad shacab Somaliyeed iyo ummad Somaliyeed oo xaasiyo, habariyo, odayiyo wiil u kala naxaaya. Waa qandaraas ay wataan, wixii ay dilaan baa loo qorayaa ooy raadinaayeen ee maaha kuwo dan kale ama ujeedo kale leh.”

Allaha u naxariistee General Dhega-badan, ayaa waxaa uu ku baxay gacanta Al Shabaab, ka dib weerar ay 1-dii bishii November ee sanadkii hore ku qaadeen Hotel Saxafi, oo ku yaala Isgoyska KM4 ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.

General Dhega-badan, ayaa lagu aasay Deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud, 2-dii bishii November, markii ay qoyskiisu codsadeen in halkaasi lagu aaso.

HALKAAN KA DHAGEYSO