DHAGEYSO+SAWIRRO: Golaha DDF Oo Deeq Lacageed Gaarsiiyay 70-tan Qooys Oo Haysta Caruur Agoon Ah Oo Ku Nool Magaalada Caabudwaaq.

0

Golaha Diaspora Development Forum (DDF) ayaa maanta waxa ay deeq lacageed gaarsiiyeen qaar kamid ah qooysaska haysta Caruurta Agoonta ah ee ku nool magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud.

Golaha DDF Ayaa waxa ay gaariisayeen ku dhawaad 70-tan qooys oo haysta caruur Agoon ah deeq lacageed oo markii loo qaybiyayna noqotay in calaa qooys ay helaan lacag gaaraysa Konton $50 Doolaar.

Barnaamijkan deeqda dhaqaale ee maanta laga qaybiyay magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa loogu magac daray (Ka Farxi Agoonta Walaalkaa Ka Tagay Maalinnta Ciida Ah), taas oo looga dan lahaa in caruurta Agoonta ah ay u farxaan sida caruuraha kale unna helaan dhar ciid iwm, Waa markii ugu horeysay oo barnaamij noocan ah laga fuliyo magaalada Caabudwaaq, waxaana lagu wadaa in uu u socdo sanad walba si joogto ah.

Golaha DDF ayaa sidoo kale waxa ay bilihii la soo dhaafay gaarsiisay dad ay soo wajahday xaalada adag oo ku kala noolaa magaalada Caabudwaaq,iyo Nawaaxigeeda iyo magaalada Muqdisho deeqo lacageed oo gaaraya isku darkooda dhoowr iyo labaatan kun oo doolar.

Dhinaca kale Golaha DDF ayaa waxaa ka go’an sidii ay ulla tacaali lahaayeen la dagaalanka Baahida bulshada iyo Jahliga, waxa ayna mar walbaa u taagan yihiin sidii ay wax uga qaban lahaayeen dib u soo nooleynta xiriirka iyo gurmadka Qurbajoogta iyo dadka ku nool gudaha Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo Gudiga Golaha DDF ayaa waxa ay u mahadnaqayaan dhamaan Xubnaha Golaha DDF iyo dhamaann Saaxiibadii kale ee ka qayb qaatay Barnaamijka (Ka Farxi Agoonta Walaalkaa Ka Tagay Maalinta Ciida Ah), Gudiga golaha ayaa sidoo kale waxa ay Allaah subaxaanahu Watacaalaa dhamaantood uga baryayaan inuu ajar iyo xasanaad aa la koobi kari ka siiyo ka qayb qaadashada ka farxinta caruurta Agoonta ah.

 

 

 

HOOS KA DHAGEYSO

DSCN8934 DSCN8939 DSCN8940 DSCN8941 DSCN8943 DSCN8945 DSCN8947 DSCN8948 DSCN8951 DSCN8952 DSCN8953 DSCN8954 DSCN8955 DSCN8956 DSCN8957 DSCN8960 DSCN8963 DSCN8964 DSCN8965 DSCN8967 DSCN8971 DSCN8973 DSCN8974 DSCN8976 DSCN8981 DSCN8986 DSCN8987 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20

Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan
Caabudwaaq, Soomaaliya