DHGEYSO: Dekada Magaalada Muqdisho oo ku soo xirtay Markab sida Deeq Gar gaar ah

0

Waxaa Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ku soo xirtay Markab sida Deeq Gar gaar ah oo loogu talo galay Soomaaliya, waxaana uu ka yimid dowladda Masar.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo Markabkan ku soo dhaweeyay Dekada Muqdisho ayaa waxa ay dowladda Masar kala wareegeen Markabkan Gar gaarka u sida shacabka Soomaliyeed.

Wasiiru dowlaha arimaha gudaha dowladda Soomaliya C/rashiid Xidig oo warbaahinta kula hadlay gudaha Dekada Muqdisho ayaa sheegay in Deeqdan ay uga timid dowladda Masar, sidoo kalena ay dhowaan bilaabi doonaan qeybinta gar gaarkan.

Deeqdan gar gaarka ah ee dowladda Masar ay u so dirtay Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala galay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhibaateysan gobolada qaar ee dalka.