Doorashada madaxtinimada Dalka Austria oo lagu celinayo

0

Maxkamadda ugu sareysa dalka Austria ayaa amar ku bixisay in lagu celiyo doorashadii madaxtinimada ee dalkaasi ee la qabtay bishii May.

Go’aankan ayey u cuksatay cabasho dhanka sharciga ah oo ka timi xisbiga midigta fog ee Freedom Party.

Xisbigan ayaa ku dooday in ay jireen wax isdaba marin la xidhiidhta tirinta codadkii maqnaa ee lagu soo gudbiyay dhanka boostada.

Musharaxa Xisbiga Freedom Party, Nober Hofer, ayaa u muuqday inuu hoggaanka hayay kaddib markii la xiray goobaha codbixinta.

Hasayeeshee natiijadii kama dambeysta aheyd, kaddib markii iyadoo maqan la tiriyay sanduuqyo, ayaa waxaa waxyar ka hormaray xisbiga uu xifiiltanka kala dhaxeeyo ee Green Party.

Maxkamadda ayaa dhageysatay dhowr dacwo oo lala xiriiriyay wax isbamarinno lagu sameeyay codadkii lagu soo diray boostada oo ama xilli hore la tiriyay ama ay tiriyeen dad aanan fasax u haysan inay tiriyaan.