Dowlada Kenya oo gacanta ku dhigtay Rag doonaayay iney ku biiraan Al-Shabaab

0

Saraakiisha Booliska Magaalada Lamu ee Dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen 17 Ruux oo ajaaniib ah kuwaasi oo si sharci daro ah ku joogay Jaziirada Lamu.

Saraakiishan ayaa sidoo kale waxey shaaciyeen in Dadka la qabtay ay ka soo kala jeedaan Tanzania, Jaziira Comoros iyo Rwanda, waxaana Ajaaniibtaasi la qabtay 20 ilaa iyo 28-ka bishii la soo dhaafay ee Juun Juun.

Guddoomiyaha Maamulka Magaalada Lamu ayaa waxuu sheegay in Dadkan la qabtay qaarkood ay doonayeen in ay soo galaan Dalka Soomaaliyaa, islamarkaana ay ku biiraan Xarakada Al Shabaab.

Waxuu sidoo kale xusay in ay jiraan tobanaan Ruux oo sidoo kale loo xiray xili ay ku soo wajahnaayeen Dalka Soomaaliya.

Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa inta badan weeraro xoogan ka fuliya Degaano  iyo Degmooyin dhaca Gobolada qaar ee Dalka Kenya.