Dowlada Mareykanka oo IGAD Siineysa $17milyan

0

Danjire Maxbuub Macalim, oo ah Xoghayaha  Ururka IGAD u qaabilsan,fulinta iyo horumarinta Dowladaha Bariga Afrika iyo Agaasimaha Waakaaladda horumarinta Mareykanka ee isla Bariga  Afrika Carlin freeman ayaa magaalada Jabuuti ku kala saxiixday heshiis Deeq lacageed oo dhan $ 17milyan  oo ay Washinton u fidisay IGAD.

Sida ay soo warisay Waakaalada Wararka Islaamka Iina, waxaa deeqda lacagta ah ee la siyay IGAD, loogu tala galay in lagu maalgeliyo wax soo saarka beeraha , kaabayaasha kale ee dhaqaalaha ,bay’adda, isdhaxgalka, horumarinta bulshada iyo amniga ee Mandiqada IGAD.

Munaasabada saxiixa heshiiskaasi ayaa waxaa ka qeyb galay Danjiraha Mareykanka u fadhiya Jabuuti tom kailey iyo la taliyaha Qaanuunka ee Wakaalada horumarinta Mareykanka iyo masu’liyiin ka tirsan Xukuumada Jabuuti.

5d1b6c95-f7c1-409e-b700-8e1279a12684-640x480