Dowlada oo gacanta ku dhigtay Maleshiyo weerar halis ah.

0

Dawladda Malaysia ayaa sheegtay in ay qabatay 14 qof oo looga shakiyay in ay qorsheynayeen Weerarro bam loo adeegsado oo lagu beegsan lahaa saraakiisha Booliska ee Dalkaasi.

Dadka la qabtay oo isugu jira 13 rag ah iyo Haweeney ayaa laga soo qabtay qeybo kala duwan oo Dalkaasi ah.

Booliska ayaa intaa ku daray in ay soo qabteen qalab bamb laga samayn karo oo dhan hal kiiloo Garam, waxaana la rumeysan yahay in Mid ka mid ah Dadkan la tuhun san yahay uu xiriir la sameeyay Muhammad Wandy, oo ah Dagaalyahan ka tirsan Ururka isku magacaaba Dowladda Islaamka, una dhashay Dalka Malaysia.

Ururka Dawladda Islaamka ayaa maamula dhul ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq, balse waxaa Dagaal culus ku haya xulafo balaaran oo uu Hogaaminayo Dalka Maraykanku.

Balse mudooyinkii u dambeeyay dhul badan ayaa dib looga qabsaday Masuuliintooda ayaana Cirka laga duqeeyay oo la laayay.