Dowladda Kenya “Nabad raadinta Soomaaliya halis ayay ku jirta, hadii aan la sii wadin maal gelinta AMISOM”..

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Aamina Maxamed ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka in la sii wado maalgelinta howl galka AMISOM ee Soomaaliya, hadii la rabo in nabad waarta laga gaaro Gobolka.

Khudbad ay ka jeediyay kulanka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ee ka dhacay magaalada New York ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la taageero Ciidanka AMISOM.

Waxaa ay walaac ka muujisay mushaar dhimista lagu sameeyay Ciidamada AMISOM, iyadoo xustay in hadii la doonayo in nabad laga dhaliyo Soomaaliya iyo Gobolkaba in la sii joogteeyo taageerida dhaqaalaha ee AMISOM.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in mushaar dhimistii uu sameeyay Midowga Yurub ay keentay caqabado, waxaana ay ka dalbatay Golaha Ammaanka inay fiiro gaar ah u yeeshaan arrintan.

Midowga Afrika ayaa dhowaan waxaa uu dhimay mushaarkii la siin jiray Ciidamada AMISOM 20%, taasoo caqabad ku noqotay dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya.