Dowladda Soomaaliya Oo La Wareegtay Gar-gaar Ka Yimid Dalka Masar

0

Markabkan sida shixnada  gargaar islamarkaana  dadka Masar iyo dowladooda ay ugu tala galeen shacabka  Soomaaliyeed ayaa  shalay kusoo xirtay dekadda weyn ee Magaaladda Muqdisho waxaana  saaran Todoba Kunteenar oo ka kooban 163-tan oo isugu jira noocyada kala duwan ee raashiinka.

wasaaradad Arrimaha gudaha iyo federaalka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta gargaarkaasi si toos ah ula wareegtay

Mudane C/rashiid Maxamed Xidig oo gargaarkan  kala wareegay safiirka Dowladda Masar ee Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dowladda Masar taageerada mar walba la garab taagantahay dadka Soomaaliyeed.

Safirika Dowladda Masar ee Soomaaliya Waliid Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay in deeqdan dadka Masar iyo dowladooda ay ugu tala galeen dadka Soomaaliyeed isagoo sidoo kale sheegay in tani aysan noqon doonin gargaarkii ugu dambeeyay ,mar walbana  Masar ay taageereyso shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

“Kani ma ah markabkii ugu horeeyay gargaar sida oo aan Soomaaliya usoo dirno horey waxyaabo kale ayaan Soomaalya uga taageernay ,waxaan aad u rajeynaa in garghaarkan dadka Soomaaliyeed uu wax badan ka caaawin doono.”sidaas waxaa yuri safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya